Top Articles

20/recent/ticker-posts

Ha U Noqon Qofka Ku Guul Daraystay Cabsidiisa Awgeed

 


Noloshu waxay ina baraysaa in aan ku noolaano cabsi iyo rajo isku mar socda. Qofka cabsi kaliya ku noolaadaa wuxuu lumisaa qaybtii iftiinka ahayd. Qofka rajo kaliya ku noolaan karaana waa kan qalbigiisu uu xoog badan yahay. Inta badan waxa ina celinaya ma aha awood la’aan, ee waa fikirkeena oo aanu u diyaar garoobin inaan ku talaabsanno.


Marka aad rabto inaad guulaysato, u diyaar garoow inaad waaydo. Waxa lagaa rabaa inaad ka tagto raaxada aad taqaan, oo aad u baxdo meel aanad hore u taaban. Guushu waxay ku qasbaysaa inaad barato dad cusub, inaad barato casharro adag, inaad mararka qaar seexan waydo, inaad ku dul ooydo meel cidlo ah. Laakiin marka ugu dambaysa waxay kuu dhalisaa inaad faraxdo si aan la qiyaasi karin.


Wax badan ma aha in aad haysato lacag badan, magac weyn, ama taageero dad badan — waxa kaliya oo aad u baahan tahay waa niyad aan ka baqaynin waxa dadka kale odhan doonaan. Dadka qaar waxay kugu yidhaahdaan maya sababtoo ah iyaga ayaa ka baqaya. Iyaga oo aan doonaynin inaad ka baxdo meesha aad wada joogtaan. Laakiin adiga waxa lagaa doonayaa inaad go’aan ka qaadato cidda aad rabto inaad noqoto.


Haddii aad maanta seexato adigoon waxba qaban, berri waxaad toosaysaa adigoon waxba haysan. Haddii aad maanta dadaasho, berrina waxaad la kulmaysaa midho yar, laakiin midhahaas ayaa berri ku beeri doona miro waaweyn.


Ha noqon qof maanta ku fikiraya in guusha uu leeyahay qof kale oo nasiib leh. Ha noqon qof isku qanciya in riyadaadu ay kaa wayn tahay. Riyadaadu way ku jirtaa gudahaaga, laakiin waxa kaliya ee ka dhexeeya adiga iyo iyada waa cabsi yar. Cabsidaas jab. Niyad jab kasta oo kugu dhacay maanta, ha ku noqon sabab aad u istaagto. Ku beddel sabab aad u socoto.


Mar walba ogow in qofka guulaysanayo aanu ahayn kan aan dhicin — waa kan dhacaya laakiin mar walba kacaya. Waxaa laga yaabaa inaad hadda leedahay jidad xiran, laakiin hal dariiq ayaa kuu furmaya marka aad dhaqdhaqaaqdo.


Ha u noqon qofka ku guul daraystay cabsidiisa awgeed. Noqo qofka guusha ku kasbada dhiirranaan.

Post a Comment

1 Comments