Waxaa laga yaabaa in la dhaho lacagtu waa tan ugu qaalisan, ama caafimaadka. Laakiin run ahaantii, waqtigu waa hantida ugu qiimaha badan ee aad haysato. Waxaad dib u helaysaa lacagtii kaa baxday. Waxaa laga yaabaa inaad bogsato haddii aad bukootid. Laakiin waqtiga mar uu kaa tago, ma jiro waddo uu kugu soo laaban karo.
Waxaa aad u yar dadka si dhab ah u fahma qiimaha waqtiga. Dhalinyarada badankoodu waxay waqtigooda ku lumiyaan wax aan faa’iido u lahayn naftooda, bulshada iyo mustaqbalkooda. Saacado badan ayaa kaga luma madadaalo, baraha bulshada, ciyaaro, sheeko la’aan, iyo waxyaabo maalin qudha aysan dib u xasuusan karin.
✦ Maxaa Ka Qiimo Badan Saacaddaada Maanta?
Qiyaas haddii la ku siiyo 24 saacadood oo kaliya, kadibna lagu yiraahdo "noloshaadu halkaas bay ku dhammaanaysaa." Sidee u isticmaali lahayd waqtigaas? Ma ku lumin lahayd scrolling TikTok? Mise waad qori lahayd wax dadka anfaca? Ma seexan lahayd waqtigoo dhan mise waad salaadi lahayd, akhri lahayd, wax baran lahayd?
Maanta waxaad haystaa 24 saacadood kale. Waa fursaddii noloshaada ugu weyn. Waxaa lagaa rabo keliya inaad barato in waqtigu uu yahay lacag, nolol, iyo jaanis — haddii aad seegto, qof kale ayaa ka faa’iidaysan doona.
✦ Waqtigu Waa Midka Ugu Sinaanta Badan Dunida
Waqtigu waa hantida keliya ee Ilaahay si siman ugu qaybiyo dadka. Qof kasta — madax, fuundi, arday, sabool iyo maalqabeenba — wuxuu leeyahay 24 saacadood maalin kasta. Laakiin waxay kala yihiin waxa ay kala qabtaan waqtigooda.
Mid wuxuu waqtigiisa ku lumiyaa cabasho iyo suuxdin. Mid kale wuxuu waqtigiisa u isticmaalaa akhris, shaqo, iyo horumar. Waxa kugu xiran waa doorashadaada.
✦ Waqti Ma Maareyn Kartid, Naftaada Ayaa Maareyn Kartid
Dad badan waxay dhahaan “ma haysto waqti”. Laakiin xaqiiqda ah: waqti way jirtaa, kaliya adigu umaadan helin mudnaan. Qof walba wuxuu leeyahay waqti uu ku furo TV-ga ama Facebook-ga — balse ma helayo 15 daqiiqo uu ku akhriyo buug, ku baranayo xirfad ama ku samaynayo jimicsi. Sababtu? Maaha waqtigu inuu yaraaday — ee iyaga ayaa go’aansaday sida ay u isticmaalaan.
✦ Sidee Ugu Faa’iidaysan Kartaa Waqtigaaga?
1. Baro inaad dejiso mudnaan: Qof aan lahayn liis hawleed (to-do list) iyo yool cad, waqtigiisu wuxuu ku dhammaan doonaa wax aan muhiim ahayn.
2. Ka fogow waxyaabaha wakhtiga cuna: Baraha bulshada, sheeko la’aan, Netflix aan xad lahayn — dhammaan waxay yihiin tuugo wakhti oo dad badan ayba ku waayaan nolol dhan.
3. Adeegso 80/20 rule (xeerka Pareto): 80% natiijadaada waxay ka timaadaa 20% dadaalkaaga. Soo hel waxa runta kaa faa’iideeya, xoogga saar halkaas.
4. Qabo hawsha ugu muhiimsan marka aad feejigan tahay: Inta badan dadka waxay waqtiga feejignaanta ugu badan ku lumiyaan wax aan muhiim ahayn. Isbeddel samee.
5. Ka dhigo jadwalkaaga mid noloshaada ka tarjumaya: Maalin kasta qor hawsha ugu weyn ee maalintaas, kadibna ku adkayso fulinteeda.
✦ Dhalinyarow: Waqtigu Waa Dhalinyaronimadaada
Markaad dhalinyar tahay, waxaa jira awood badan oo ku jirta jirkaaga, maskaxdaada iyo fursadaha ku hareeraysan. Laakiin haddii aanad waqtigaaga ka faa’iidaysan, ma jiraan wax si fudud kuu sugaya mustaqbalka. Dhalinyaradu waa xilliga shaqo, barasho, xirfad-abuur iyo horumar.
Ha u malayn in 20-kaaga ay yihiin waqti aad “ku madadaasho” oo aad nolosha “ku sugeyso.” Maya. Haddii aad maanta seexato, berrina waxba ma baran, maalinta xigta waad ka shallayn doontaa. Waxaa laga yaabaa inaad ka shallayso sanooyin aad waqti lumisay.
✦ Waxa Ugu Xun Maaha Waqti Lumid — Waa Inaad Ogayd Oo Aadan Waxba Ka Bedelin
Waqtigu si degdeg ah ayuu ku dhaafayaa. Maalintaad dhalatay waxay ahayd shalay, waxaadna dareemaysaa in sannad walba uu sidii hore uga dheereeyo. Haddii aad dareentay waqtiga inuu ku dhaafayo — waana dhab — maxaa kaa hortaagan inaad maanta beddesho habka aad u wajahdo waqtiga?
Waxa ugu khatar badan nolosha waa inaad si joogto ah u ogaatid inaad waqti luminayso, laakin aadan waxba ka beddelin. Taasi waa lumis laba-laab ah: waxaad luminaysaa waqtiga, waxaadna luminaysaa fursadda aad wax ku beddeli lahayd.
Gunaanad: Waqtigu Waa Nolol — Ha U Isticmaalin Sida Cid aan Mustaqbal lahayn
Waqtigu wuxuu go’aamiyaa cidda aad noqonayso, meesha aad gaarayso, iyo waxa lagu xusuusan doono. Ma ahan wax lagu ciyaaro. Ma ahan wax la kaydin karo. Waa dareere si tartiib ah ku daadanaya — haddii aadan qabsoomin, wuu kaa dhamaan doonaa adigoon waxba la gaarin.
Maanta ka bilaaw inaad si dhab ah u maamusho waqtigaaga. Ma aha waqti aad “dilayso”, waa waqti aad “nooleynayso.” Saacaddaada, daqiiqaddaada, iyo ilbiriqsigaaguba waa deymo aad kaga bixi doonto camalkaaga.
Soo toos. Qor qorshe. Akhri buug. Biloow xirfad. Samay maal. Baro cilmiga Alle. Salaaddaada ha dhayalsan. Nolol muhiim ah ku noolow — waqtigaaga oo la qadariyay ayaana kuu noqon doona dariiqa guusha.
0 Comments