Qore: Mustafe Abdifatah Abdilaahi
Blog: Dhiirrigaliye
Waxaa laga yaabaa in mararka qaar aad is weydiiso sababta dad badan ay ugu nool yihiin nolol iska caadi ah, iyagoo aan isku dayin inay wax badan ka beddelaan sida ay maanta yihiin. Waxaa laga yaabaa inaad aragto qof walba oo ku leh: “Waa sida Ilaahay qoray” ama “Waa nasiibkayga” ama “Qof aan nasiib lahayn ayaan ahay.” Laakiin haddii aad hoos u eegto, runta dhabta ah ma aha in nasiib la’aani ay jirtay, ee waa in qofku is dhiibay, oo uu go’aansaday inuusan isku dayin.
Waxa kaliya ee nolosha lagu kala badiyaa waa isku dayga. Qofka mar walba ku fikiraya: “Maxaa dhacaya haddii aan guuldareysto?” waxa uu weligiis ku noolaanayaa cabsidaas, wuxuuna hilmaamayaa in mar kasta oo aad isku daydo, aad wax cusub barato — xitaa haddii aad guuldareysato. Dunidan waxa keliya ee dadku isku dhaafaan waa in qaar isku dhiiraan oo talaabo qaadaan, qaar kalena ay daawadaan oo ay yidhaahdaan: “Haddii aan isku dayi lahaa…”
Qof walba qalbigiisa waxa ku jirta riyo uu qariyay. Waxaa laga yaabaa inuu yaraantiisii lahaa qorshe uu doonayay inuu ku gaaro meel sare, inuu noqdo qof bulshada wax u qabta, inuu abuuro shaqooyin, inuu dhiso qoys waxtar leh, inuu badbaadiyo naftiisa iyo cid kale. Laakiin maxaa dhacay? Wuxuu maqlaa codad badan oo ka leexiya: “Adigu kuma guuleysan kartid.” “Dad kaa fiican ayaa ku fashilmay.” “Halka aad joogto kuma haboona inaad halkaas gaarto.” Markaas ayuu bilaabaa inuu aamuso, riyadiina meel god ah ayuu ku tuuraa.
Laakiin marka uu madowgu bato, waxaa ugu qiimo badan qofka kicisa iftiinka yar ee qalbigiisa ku haray. Waxaa laga yaabaa in uu is yiraahdo: “Wax walba way i hor yaalliin, laakiin iskuday ayaa iga maqan.” Mar haddii aad is dhiibto, wax walba waa dhamaadeen. Laakiin haddii aad isku daydo, weli waxaad leedahay sabab aad mar kale ugu toosto. Dadka caanka ah maanta, kuwa aan u sacabino, kama aysan dhalan in ay nasiib wanaagsan lahaayeen oo kaliya — waxay lahaayeen niyad adag oo aan aqbalin in la cabsi geliyo.
Waxaad maqashaa qof leh: “Ma aanan helin cid igu taageerta.” Haa, taasi way dhacdaa. Laakiin taageeraha ugu weyn waa adiga. Qofka kugu dhiirrigelin kara inaad subax walba toosto oo aad halgan sameyso waa adiga. Qofka kuu sheegayaa inaad ku dhici doonto haddii aad isku daydo waa adiga. Qofka kuu sheegi kara inaad guuleysan doonto haddii aad adkeysato waa adiga. Waxa ay noloshu ku tusinaysaa in cadawga ugu weyn ee riyadaadu aanu mar walba bannaanka joogin — waa gudahaaga.
Waxaad ka fikirtaa wakhti badan wixii kaa hor istaagi kara inaad bilowdo, laakiin waxaad iloowdaa inta fursadood ee ay tahay inaad bilowdo. Haddii aad sugayso in dad walba kuu sacbiyaan markaad tijaabinayso qorshahaaga, waligaa ma bilowdo. Dadka qaar waxay sugayaan fursad ku habboon, waqti ku habboon, xaalad ku habboon — laakiin runta ayaa ah: fursad ku habboon adigu ayaad samaysataa.
Haddii aad maanta bilowdo, berri waxaad ka horumarsan tahay adigaagii shalay. Wax yar oo aad maanta ku talaabsato, waxay dhistaa waddo yar oo berri kugu qaadi doonta meel ka fog meesha aad maanta taagan tahay. Sidaas ayuu qofka riyada leh u horumaraa — tallaabo yar oo maanta ah, talaabo yar oo berri ah, iyo adkaysi joogto ah.
Maanta naftaada weydii: Maxaan heli lahaa haddii aan isku dayo? Waxaa laga yaabaa inaad ku guuldareysato, laakiin weli waxaad noqon doontaa qof wax bartay. Waxaa laga yaabaa in ay qaadato wakhti dheer, laakiin waxaad noqon doontaa qof ku dhashay dadaal, ku nool dadaal, kuna dhiman doona sharaf. Waxaa ka daran inaad ku noolaato: “Haddii aan isku dayi lahaa…”
Riyadaadu ha noqon wax aad ku riyootid oo aad ku seexatid, ha noqoto wax aad ku toosto oo aad u shaqaysato. Maanta, hadaad dareemayso in adiga lagaa badiyay, ogow waxa kaliya ee kaa maqan ay tahay in aad hal mar tidhaahdo: “Waxaan isku dayayaa.” Markaas ayaad ogaan doontaa in qofka adiga ku jira uu yahay mid ka awood badan cabsida kugu jira.
“Adiga goorma ayaad isku dayi doontaa inaad naftaada ka dhisto halka aad rabto? Faalladaada halkaan igu reeb — dooddu ha bilaabato!”
0 Comments