Qore: Mustafe Abdifatah Abdilaahi
Blog: Dhiirrigaliye
Qaybta 1: Nolosha Maaha Tartanka Dadka Kale, Waa Tartanka Naftaada
Qof kasta oo dunida ku nool waxa uu leeyahay safar u gaar ah. Waxaa laga yaabaa in aad ku kortay nolol adag, qoys sabool ah, ama deegaankaaga laga aamino in qof danyar ah uusan meel sare gaari karin. Balse waxaa jira hal sir oo ay dadka guuleysta wadaagaan: “Ma aaminaan waxa dadku ka yiraahdaan, waxay aaminaan naftooda.”
Guusha ma ahan wax hadiyad ah, mana ahan wax la helayo haddii aad sugto. Waa wax aad ku tababarto, aad ku dhidido, aad la seexato riyo ahaan, oo aad la toosto dadaal ahaan. Marka dadka qaar ku yiraahdaan: “Adigu ma gaari kartid halkaas,” ku jawaab qalbigaaga ha u sheegto: “Waad arki doontaan.”
Qaybta 2: Xanuunka Halganku Waa Billowga Isbeddelka
Dadka qaar marka ay dhibaato la kulmaan, waxay arkaan dhamaadka noloshooda. Laakiin dadka guuleysta marka ay jabaan, waxay u arkaan bilow cusub. Waxaa laga yaabaa inaad shaqo waayi doonto, fursad lagaa xiro, ama dadka kugu dhow ay kaa jeestaan – balse maalin kasta oo aad nooshahay waxaad leedahay sabab aad ku bilowdo.
Dhibka maanta aad dareemayso wuxuu noqon karaa dhagaxa aad ka dhiseyso mustaqbalkaaga. Ku fikir sida dhagax-dhagax loogu dhiso darbiyo waaweyn. Xanuunkaaga maanta ha noqon mid kaa leexiya, ha ka dhigto mid kaa kiciyo. Dadka guuleysta mar walba way dhaawacmaan, laakiin ma joojiyaan socodkooda.
Qaybta 3: Isku Kalsoow, Xitaa Marka Dunidu Kuu Dhiidhiibto
Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dadka ka hor istaaga guusha waa kalsooni-darro nafeed. Waxay is yiraahdaan: “Aniga ma awoodo, dadkaa ka fiican, waxaan ahay qof caadi ah.” Laakiin waa maxay “caadi”? Waa kelmed aan jirin haddii aad leedahay riyo aad ku noolaanayso. Waxaa muhiim ah inaad ogaato in qof kasta oo guuleystay uu ka bilaabay meel hoose.
Qof kasta oo maanta la arko isagoo heysta magac, hanti, aqoon ama sharaf, wuxuu soo maray marxalado uu naftiisa la dagaalamay. Waxaa laga yaabaa inuu is yiri: “Waa iga dhamaatay,” balse hadana qalbigiisa ayuu dhagaysatay halkii uu dadku dhagaysan lahaa. Haddii aad sugeyso in dadka oo idil kuu sacbiyaan ka hor inta aadan bilaabin dadaalkaaga, ogow: wakhtigaas waligiis ma imaan doono.
Qaybta 4: Ka Bilow Meesha Aad Joogto, Maaha Meesha Aad Rabto
Dadka guuleysta waxay ogaadeen hal sir: Ma jirto meel ku habboon in la bilaabo – waa meesha aad hadda joogto. Waa run, waxaad odhan kartaa: “Weli aqoon ma haysto,” ama “Lacag ma haysto,” ama “Waqti uma helayo.” Laakiin haddii aad sugto inaad noqoto qof dhameystiran ka hor inta aadan wax bilaabin, waxaad waayi doontaa fursado dahabi ah.
Ku bilow qalad. Ku soco cabsi. La seexo walaac. La toos dadaal. Intaa ka dib, waxaad arki doontaa isbeddel aanad fileyn. Dadka maanta la ammaanayo ee la sheegayo, kama aysan bilaabin meel fiican. Waxay ka bilaabeen halka aad maanta taagan tahay. Waxa kaliya ee ay kaa badnaayeen waxay ahayd: waxay is yiraahdeen, bilow hadda, xitaa haddii aysan dhammaan wax walba kuu diyaarsanayn.
Qaybta 5: Guushaadu Maaha In Dadka Kaa Farxiyaan, Waa Inaad Naftaada Ka Raalli Noqoto
Ugu dambayn, ogow in guusha dhabta ahi aysan ahayn “dadka oo dhan ayaa ii sacbiyay” ama “dad ayaa i yaqaan.” Guusha ugu weyn waa marka aad naftaada dareensiiso farxad, sharaf iyo yool la taaban karo. Guusha waa marka aad ogtahay inaad naftaada horumarisay, aad dadka u faa’iideyso, iyo marka aad ruuxdaada dhahdo: “Waad dadaashay, waad istaahishaa.”
Ha isbarbardhigin dadka kale. Ha u orod fanaan kasta ama shaqsi kale oo sawir qurxoon lasoo dhigo. Adigu waxaad leedahay waddo kuu gaar ah, iyo taariikh aad dhisi doonto haddii aad maanta bilowdo. Qalinka adigaa haya – qor sheekadaada, hana ogolaan in cid kale kuu qoroto.
Maxaad sugaysaa si aad u bilowdo nolol cusub? Ma rabtaa in mustaqbalkaagu kaa noqdo mid laguu qoray, mise mid adigu aad gacantaada ku qorto?
0 Comments