Qore: Mustafe Abdifatah Abdilaahi
Blog: Dhiirrigaliye
Hordhac:
Qof kasta wuxuu leeyahay riyooyin – mid raba inuu noqdo qoraa, ganacsade, dhaqaatiir, ama qof bulshada wax ku kordhiya. Laakiin xaqiiqdu waxay tahay: dad badan ma gaaraan riyooyinkooda. Waa maxay sababta? Ma Rabbi baa u diiday? Maya! Intooda badan waxay ka hadhaan iyaga oo nool. Maqaalkan waxaan ku falanqaynaynaa 4 sababood oo waaweyn oo riyooyinka loo lumiyaa.
1. Cabsida Guuldarrada
Dad badan ma bilaabaan wax sababtoo ah waxay ka baqayaan inay guul-darraysan doonaan. Laakiin guuldarro waa qayb ka mid ah barashada guusha.
“Haddii aad ka baqdo guuldarro, waxaad hor istaagtay guul.”
2. Sugidda Waqti “U Habboon”
Riyooyin badan ayaa la dilaa iyadoo la sugayo “maalinta ku habboon”. Run ahaantii ma jiro waqti qumman – hadda bilow, wixii kale waxaa kuu hagaajin doona waqtiga.
3. Dadka Negativa ah
Waxaa jira dad ku yiraahda: “Adigu kuma guulaysan kartid!”, “Ciwaankaas maad beddesho!”, “Sheekooyinkaaga yaa akhrinaya?”
Haddii aad qof walba maqashid, waad joojin doontaa wax kasta.
4. Iska-Daba-Tag La’aan (Joogto la’aan)
Riyo kastaa waxay rabtaa qof ku dul sabra, aan ka daalin, xitaa markuu arko in natiijo jirin. Joogtaynta yar baa disha riyooyin badan.
Gunaanad:
Ha noqon qof riyadiisa ku rafaadsan balse aan waxba u qaban. Maanta bilow — ha ka cabsan guuldarro, ha sugin berri, ha dhagaysan kuwa kaa celiya. Haddii aad adigu rumaysantahay... riyadaadu waa suurtogal.
0 Comments