Qore:Mustafe Abdifatah Abdilaahi

Waxaa jirta xaqiiqo nolosha ah oo dad badan ku guuldarreystaan inay fahmaan: Guuldarada lama huraan ma aha oo keliya, ee waa qasab haddii aad rabto inaad gaadho guul weyn.
Wax kasta oo qurux badan oo maanta la haysto — hal-abuurnimada, ganacsiyada waaweyn, dadka caanka ah, halyeeyada ganacsiga iyo suugaanta — dhammaantood waxay soo mareen waddo guuldarrooyin badan oo keentay inay bartaan waxa ay hadda yaqaannaan.
Waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso:
"Maxaan guuldarada uga baqaa haddii ay tahay qayb ka mid ah jidka guusha?"
Qofna guuldarada kama badbaado
Qof walba oo aad maanta ku dayato wuxuu leeyahay sheeko guuldarro leh oo qarsoon. Waxa keliya ee dadka caadiga ah iyo kuwa guuleysta ku kala duwan yihiin waa sidii ay u wajahaan guuldarada.
Dad badan marka ay guuldarreystaan mar keliya waxay bilaabaan inay yidhaahdaan:
“Anigu ma awoodi karo”
“Ma awoodi doono abid”
“Tani iima ahan”
Laakiin kuwa guuleysta waxay yidhaahdaan:
“Maxaan ka bartay?”
“Maxaan u sameyn karaa si ka duwan?”
“Mar kale ayaan isku dayayaa.”
Guuldarada saxda ah waa macallinka ugu fiican
Guuldarada saxda ahi waa tan kaa baraysa cashar aadan meel kale ka baran lahayn. Ma jiro buug kuu sheegi kara sida aad naftaada ugu diyaarin lahayd dhibaatooyinka dhabta ah ee nolosha — laakiin guuldarada ayaa kuu diyaarin karta.
Markaad ku dhacdo, waxaad ogaanaysaa:
Cid aad ku kalsoon tahay iyo cid aan ku kalsooneyn.
Meesha aad jilicsan tahay iyo meesha aad xooggan tahay.
Halka aad u baahan tahay inaad ku dadaasho.
Waxaad ku baranaysaa inaad naftaada si qoto dheer u fahanto. Waxaad ku baranaysaa inaad aqbasho inaad bini’aadam tahay — aadan qummaneyn, laakiin aad awood u leedahay inaad qummaan ku noqoto dadaalkaaga joogtada ah.
Dadka guuleysta waa kuwa guuldarrooyinka badan yeeshay
Marka ay dadku kuu sheegaan sheekada guusha qof, waxaad inta badan maqashaa qaybta dhamaadka: lacagta, sumcadda, magacyada waaweyn. Laakiin sheekada dhabta ah waa tirada jeer ee uu qofkaasi ku dhacay oo uu kasoo toosay.
Abraham Lincoln — Madaxweynaha Maraykanka ee ugu caansan taariikhda — wuxuu ku guuldareystay doorashooyin badan oo kala duwan ka hor inta uusan noqon madaxweynihii 16aad. Thomas Edison wuxuu isku dayay in ka badan 1,000 tijaabo oo fashilantay ka hor intii uusan hal-abuurin iftiinka korontada.
Kuwo kale oo badan baa jira — laakiin casharka kaliya ee ay wadaagaan waa: Guuldarada waa qayb ka mid ah qorshaha.
Markaad guuldareysato, rumee inaad horumar sameyneyso
Markaad aragto qof guul gaaray, ha moodin inuu ku socday waddo siman oo toosan. Mar walba waxaa jiray ciriiri, murugo, niyad jab, cabsida waxa dadka kale yidhaahdaan — laakiin waxa kala saaray waa inuu qofkaasi ka qaatay guuldarada sidii dariiq sax ah oo uu wax uga barto.
Waxaa la yidhi: “Haddii aadan waligaa ku dhicin, markaas waad iska ciyaaraysaa oo kama shaqeynaysid riyadaada.”
Sideed u beddeshaa guuldarada fursad?
1. Qir waxa dhacay.
Ha isku dayin inaad iska indha tirto. Qaado masuuliyadda.
2. Ka raadi casharka ku qarsoon.
Waa maxay sababta aad u guuldareysatay? Ma qorshaha ayaa liitay? Ma diyaar ma aadan ahayn? Ma cid kale ayaa kaa gaabisay?
3. Samee qorshe cusub oo ka wanaagsan kii hore.
Wax kasta oo aad ku baratay markii hore ku dar qorshaha cusub.
4. Mar kale isku day.
Ha ku raagin ciil iyo cabasho. Guusha waxaa leh qofka mar kale isku daya, mar kale ku dhaca, mar kale kaco.
Noloshu waxay qiimo leedahay markaad dhadhamiso guuldarada
Haddii ay noloshu qumman tahay oo aanad waligaa ku dhicin, waxaad lumin lahayd dareenka dhabta ah ee guusha. Guuldarada ayaa ka dhigaysa guusha mid dhadhan leh.
Markaad dib u milicsato, waxaad ku faani dootaa:
Cidhiidhigaad kasoo baxday.
Saxaafada dadku kaa sheegeen markay kugu qosleen.
Dhibka aad ka adkaatay oo qof kale ku filnaan lahaa inuu isaga tago.
Gunaanad
Marka xigta oo aad cabsi dareento, ogow cabsidaasi waa albaabka guusha. Marka xigta oo aad guuldareysato, ogow guuldaradaasi waa jaranjaro kale oo kuu dhow inaad guusha gaadho.
Ha ka baqin guuldarada — ku faan inaad leedahay dhiirranaan aad ku tijaabiso. Waxaa laga yaabaa inaad marar badan ku dhacdo, laakiin maalinta aad istaagto oo aad dhahdo “Waxaan sameeyay!” — waxaad noqon doontaa mid taariikh sameeya.
0 Comments