Qore: Mustafe Abdifatah Abdilaahi
Blog: Dhiirrigaliye
Qof walba wuxuu leeyahay riyo iyo himilo. Laakiin qof walba ma gaaro. Maxay tahay sababtu? Ma waxaa jira caqabado isku mid ah oo inaga hortaagan? Haa — iyo maya! Maanta waxaan kuu sharaxayaa 7 sababood oo ugu waaweyn ee dadku ugu hadhaan riyooyinkooda — iyo sida adiga oo kale Dhiirrigaliye u noqon karto qof aan ka hadhin!
1.Cabsi iyo Shaki Nafta ah
Cabsida guul-darrada iyo shakiga nafta ayaa ah caqabadaha ugu weyn. Dad badan waxay ku fikiraan:
“Maya, anigu ma awoodo.”
“Maxaan sameeyaa haddii aan guuldareysto?”
Xalka:
U qir cabsidaada, la hadal.
Qor waxa ku cabsi gelinaya — kadib go’aanso in aad tallaabo yar yar qaaddo maalin kasta.
2.Raadinta Ogolaanshaha Dadka Kale
Dad badan waxay waqtigooda ku lumiyaan sida dadka kale u arkaan:
“Maxay dadka iga odhan doonaan?”
Xalka:
Dadka hadal kama baajo.
Samee waxa kuu wanaagsan adiga, inta aad cid kale ku farxinayso.
3.Aqoon La’aan iyo Qorshe La’aan
Riyada weyn waxa lagu gaadhaa tallaabooyin yaryar oo qorshaysan. Dad badan waxay riyadooda kaga hadhaan marka aysan garan sida loo bilaabo.
Xalka:
Qor riyadaada si cad.
U qaybi qorshe yar-yar oo la fulin karo.
Raadso aqoon iyo talo.
4.Ku Mashquulid Wax aan Muhiim Ahayn
Saacadihii maalinta waxay ku dhammaadaan scrolling, sheeko aan muhiim ahayn iyo fadhiidnimo. Riyadaada waxay rabtaa feejignaan!
Xalka:
Baro sida waqtiga loo maareeyo.
Samee liis hawleed maalinle ah (to-do list).
Ka fogow waxyaabaha cunaya waqtigaaga.
5.Dulqaad La’aan
Qof walba wuu rabaa in natiijo degdeg ah arko. Laakiin noloshu sidaa uma shaqeyso.
Xalka:
Samirku waa furaha.
Xusuuso in geedku u baahan yahay inuu dhulka ku baxo si uu cirka ugu koro.
Ku faraxsanow geeddi-socodka.
6. Bulsho Aan Dhiirrigelin
Haddii dadka kugu wareegsan yihiin kuwa xanniba riyadaada, waxaad luminaysaa tamar.
Xalka:
Isku day in aad la saaxiibto dadka leh himilo iyo riyo la mid ah.
Ka fogow kuwa had iyo jeer didiidan.
7.Ka Baqdin Guusha Laftigeeda
Haa — qaar baa ka baqa in ay noqdaan kuwo caan ah ama mas’uuliyad cusub qaadaan.
Xalka:
Is waydii: “Maxaa xumaanaya haddii aan guuleysto?”
Ku celceli inaad istaahisho inaad ku guulaysato.
Gunaanad
Riyadaadu waa noloshaada! Ha u ogolaanin cabsi, shaki, ama dadka kale inay kugu xannibaan. Tallaabo qaad, wax baro, ku kalsoonow Alle iyo naftaada — oo samee waxa ku farxad gelinaya.
Xusuusnow: Guusha waxay ka bilaabataa go’aan yar — go’aan inaad maanta bilowdo!
1 Comments
Asxaabeey hay soo follow gareeyo
ReplyDelete