Waxaa jiray waqti qofka dhallinyarada ah lagu qiimeyn jiray garaadkiisa, aqoontiisa, iyo sida uu ula dhaqmo bulshada. Maanta, tiro ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed waxay rabaan in lagu qiimeeyo: inta qof ee la socota, inta muuqaal ee la share gareeyo, iyo inta comment ee lagu ammaano. Internet-kii laga filayay iftiin, waxaa loogu beddelay meel madow — meel ay wax ka baxaan, balse ay dad badan ku halligmaan.
TikTok, Facebook, YouTube… dhammaan waa baraha bulshada ee loogu talagalay isgaarsiinta iyo horumarka, balse qaar badan oo dhallinyaro ah waxay u beddeleen meel lagu soo bandhigo hadallo aflagaaddo ah, muuqaal aan edeb lahayn, iyo cay si qof walba loo dareensiiyo in adigu “waad ka xun tahay.” Waxaa laga helaa dhalinyaro cod dheer ku leh “waayeelka waaba iska caqli yaryihiin,” “diinta waxba kama jiraan,” iyo “dumar baa lagu cuni karaa TikTok.” Halkee laga helay xishoodkii Soomaaliyeed?
Internet-ka waa sida mindida lafta lagu jarayo iyo khudaarta lagu jarayo — waxa aad u adeegsato ayaa ka dhiga qalab ama qatarta noloshaada. Dhalinyaro badan ayaa maanta ku waayay waqtigoodii waxbarasho, xirfad, iyo xitaa naf iyo diin. Waxaa la arkayaa wiil 16 jir ah oo ugu mashquulsan sidii uu video TikTok ah u sameyn lahaa halkii uu kitaab u furi lahaa, ama gabar da’ yar oo waqtigeeda ugu badan ku bixisa muuqaal iska dhigaya wax aanay ahayn — dhammaan si ay u helaan “attention.”
Waxaa lagu xasuustaa in ay jiraan boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed oo internet-ka uga faa’iideystay si weyn: kuwa wax ku baray, kuwa ganacsi ka bilaabay, kuwa wacyigelin sameeya, iyo kuwa qurux badan oo edeb leh oo haddana aqoonteeda la yaab leh. Balse nasiib darro, inta la arko ee la wadaago waa kuwa mucjisooyinka xun sameeya. Waa kuwa xigmad-darrada u rogay xaflad, kuwa ceebta u arkay caqli, iyo kuwa akhlaaqda u beddelay fanaanimo fool xun.
Su’aashu hadda waxay tahay: dhalinyaroow, internet-kaan aad gacanta ku haysaa ma hanti buu kuu noqon karaa mise waa baadida maskaxdaada?
💬 Su’aasha Maanta:
Adigu marka aad gasho Facebook ama TikTok, maxaad raadisaa? Aqoon? Madadaalo? Mise muus la’aan oo hadhow laga shallaayo? Internet-ka miyaa la xukumaa mise waa kaa xukuma haddii aadan feejignaan?
1 Comments
Wow
ReplyDelete