Waxaa laga yaabaa in aad maanta joogto meel mugdi ah. Waxaa dhici karta in fikirkaaga uu buuxiyo shaki, cabsi, iyo sawir aan iftiin lahayn. Laakiin waxaad ogaataa in meel kasta oo madow ay ku jirto meel yar oo iftiin ah. Waxa kaliya ee loo baahan yahay waa in aad u dhowaato oo aad ka fikirto sidaad u gaadhi lahayd.
Qofka guuleysta ma aha kan ugu xoogga badan ama kan ugu caqliga badan. Qofka guuleysta waa kan diida inuu ka hadho. Waa kan arka albaab xiran laakiin sii raadsha dariiq kale. Waa kan ogaada in guuldaradu ay tahay cashar, aanay ahayn dhammaad.
Waxaad aragtaa dad badan oo nolol fiican leh, laakiin aad ayaan loo ogayn inta jeer ee ay ooyeen, inta jeer ee ay seexan waayeen, inta jeer ee ay cabsi la noolayeen. Guushu had iyo goor maaha sidii loogu talagalay. Waxay noqon kartaa mid aad u adag, mid kaa jeedisa dadka aad jeceshahay, mid kaa dhigta mid cidlo dareema. Laakiin marka ugu dambaysa, waxay kuu keentaa xorriyad. Xorriyadda ah inaad noqoto adiga oo aan cidna u jilicsanayn.
Maanta haddii aad ku fikirayso in aad ka tanaasusho, dib u fadhiiso oo naftaada la hadal. Weydii: maxaan ku khasaarayaa haddaan isku dayo? Haddaanan isku dayin se maxaa iga luminaya? Inta badan waxaad ogaanaysaa in khasaaraha dhabta ahi aanu ku jirin isku dayga, balse uu ku jiro is dhiibka.
Dad badan waxay la fadhiyaan cabsi. Cabsidaas waxay noqotaa silsilad maskaxeed oo qofka ku xidha meel aan u qalmin inuu joogo. Waxaad ogtahay waxa ugu nasiib darro badan? In qofku naftiisa aamino cabsidiisa halkii uu aammin lahaa awooddiisa.
Maskaxdaadu waxay leedahay awood aan xad lahayn. Waxaad ka fikirtaa maanta, waxaad ku nooshahay berri. Fikraddaadu waa seedaha ay noloshu ku socoto. Marka ha ku quudin maskaxdaada quus iyo cabsi. Ku quudi rajada, ku quudi kalsoonida, ku quudi dhiirranaanta. Waxaad noqonaysaa waxa aad aaminto.
Qof kastaa wuu lahaa waqti uu lumay. Wuu lahaa casharro uu ka shallaayay. Laakiin kama dhigan in noloshu dhamaatay. Wax kasta oo kaa lumay waxa ay macno samayn doonaan maalintaad guulaysato. Maalintaas waxaad garan doontaa sababta aad u dulqaadatay.
Marnaba ha ku qiimeyn naftaada waxa dadka kale ku yidhaahdaan. Dadku mar walba way hadli doonaan, waana sahlan tahay in qofku hadlo. Laakiin adiga ayaa ku dhibtooday safarkaaga. Adiga ayaa garanaya waxa aad ka timaadday iyo waxa aad u socoto. Dadka qaar waxay kugu qosli doonaan marka aad fikir cusub keento, laakiin isla dadkaas ayaa kugu sacbin doona marka aad guulaysato.
Marka aad daasho, iska naso laakiin ha joogsan. Marka aad murugootid, ooy laakiin ha is dhiibin. Marka ay ku caayaan, ka jawaab ficil wanaagsan. Waxaad mar walba leedahay doorasho: inaad u jeedsato mugdiga ama aad u jeedsato iftiinka.
Iftiinka dooro. Riyadaada dooro. Naftaada dooro. Allah ku aamin, dadaal ku aamin, kalsooni ku aamin. Mar uun waxaad arki doontaa inaad taagan tahay halkii aad ku riyoon jirtay.
Dareenkaaga ha ku aaminin cabsida. Ku aamino himiladaada.
2 Comments
Wow
ReplyDelete😂🤍
ReplyDelete